Somali culture

Turin (Italy), 23/02/09

YAASIIN IYO QAAMUUSKA

Yasiin, Alla ha u naxariistee, nin cajiib ah ayuu ahaa.. Muddo dheer baan is-niqiinney. Afka soomaaliga iyo kobcintiisa gacan weyn buu ku lahaa. Sannadihii kontomaadkii waxay ahaayeen kuwii xorriyad doonka. Dadaalka wax-barashada iyo dhalan-rogga qayb weyn ee dhaqammadii hore ee bulshada waxay horseed u ahaayeen waa cusub oo la filaayey inuu keeno horumar dhaqan-dhaqaalaha dalka.

Dad badan oo "kacaankaas" ka qaybgalay baan laabta ku hayaa. Laakiin xusidda nin keliya ayaa nooga filan: Xirsi Magan. Waxaan u soo qaatay magaca ninkaas, maxaa wacay dadaalkiisa mid u dhigma, ka Yaasiin mooyee, qof la yimid ma xusuusto! Wuxuu gaarey, in uu ololo lacag uruurin ah qaado, madabacad iyo makiinadaha wax lugu qoro, oo fartii soomaaliga wax ku daabaca, dalka keeno. Balse Yasiin iyo Qamuuskii aan u noqdo. Setembere, 1973. Goor ay barqinkii tahay ayaa Yasiin xafiiska Wasaradda Hiddaha iyo Tacliniita Sare yimid. Ballan baan lahayn. Goortuu salka kursiga la helay ayaan ku bilaabay: " Yasiin, waxaan filayaa in aad male awaaleysid sababta aan kuugu yeeray". Qosol yaab leh, oo aan dhawaaq lahayn ayuu lahaan jirey. Marka, inta dhoollo caddeyeey ayuu yiri: "haddeed, Maxamadow, wareysi.. ogaal"! Waxaan iri: Qaamuuskii aad bilowday tan iyo waagii G.O.S.S.A.N la asaasay, oon dhowr jeerna ka wada hadallay, xaggee buu marayaa?". Wuxuu yiri: " ma wax deg-deg ah ayaa jira?" Saanne "Sanadka soo socda, 1974, waxaa Nayjeriya lugu qabanyaa Bandhig ballaaran ee Fanka, Farshaxanka iyo Hiddaha ee Qaaradda Afrika, si loogu tartamo heerka ay qolo waliba ka gaartey farsamooyinkaas. Saad ogtahay, fanka (arts), gaar ahaan kan sawirrada gacanta, kuma dhereyno, hase yeeshe xagga oraahda, ama noca kasta oo manso ah, ninna marti ugama nihin. Saas awgeed ayaan waxaan jecleystay in arrimaha aan bandgiggaas uga qayb geleyno uu ka mid noqdo Qaamuuska af soomaliga oo qoran. Maxaad ka leedahay? Ma ka gaarsiin garnaa waqtiga gaaban oo muddadaas ka dhimman?".

Yasiin, Alla ha u naxariistee, wuxuu yiri: "haddii la dadaalo waxaan filayaa in ay wax ka suurobi karaan. Laakiin, mashkalo xun baa i hasatay"; "oo maxay tahay" baan iri? Suu-ye " War nin yohow, markaan galabtti guri u sii carrabayo, wxaan fuulaa gaariga loo yaqaan "Xajiyo Khamsiin" oo, saad ogtahay ummad Ilaahey ay ka buuxdo. Aniga oo meel qoqob ah ciriirsanaya, ayaa, tusaale ahaan, waxaa dhegteyda ku soo dùula haasaawaha labo haweeney, oo dambiilo culus lugohooda hoos-yaallaan. Iyagu ima dareensana, laakiin sheekadooda ayaa waxaa ku dheehan dhowr eray, oon isleeyahay, tolow, Qamuuska ma ku jiraan. Hadda ogow, xalay waaxan filaayey in aan soo af-jaray! Markaasaan mar kale ku noqdaa, meelaha aan isleeyahay erayadaasi waa ka maqanyihiin. Habeenno badan waxaa i hakiya, oon la looltamaa, wax noocaas ah!" Waxaan ku iri "waa hagaag, waa fahmey! Bal toddobaadka soo socda aan mar kale kulanno!"

Mar Alla markii Yasiin xafiiska ka baxay, ayaan taleefonka ku wacay Guddoomiyaha Akademiyada soomaaliyeed ee Cilmiga iyo Dhaqanka, (haddaanan gafsaneyn waxaa markaa guddoomiye ka ahaa. Doctor Deeqa Col-u-joog). Waxaan ka codsaday, haddey awooddo, in Yasiin aqalkiisa subixii iyo galabtiiba gaari looga keeno, luguna geeyo! Guddoomiyuhu waxay tiri "awooddeyda oo dhan baan saarayaa si arrintaasi u hirgasho". Yaasiin, haasaawe kama’a ah ee dambe iyo sheekooyin uu Xaajiyo Khamsiin ku dhex dhegeysto halkaas ayaa ugu dambeysey! Asbuuc ka dib baan kulannay, sidii uu ballanku ahaa.

Waxaan ka wareystay halkee ama ereygee Qaamuusku marayaa?. Wuxuu yiri: " bal horta kheyr Alle ha ku siiyee, ayaamahan waan ka nabad galay ereyadii firirsanaa oo hadba meel iiga soo duulduulayey. Waajib waxaa igu noqoday inaan mar kale soo higgaadiyo taxanaha ereyadii. A B C.., si aan u ogaado: maxaa mid walba ku soo kordhay oo ay lagama maarmaan tahay in lugu daro Qaamuuska. Saad u ogtahay, indhahaan ka liitaa; oo mar-mar waa bur dhiig ah, araggooduna ma fiicna. Saas oo ay tahay feynuus baan wax ku akhristaa, wax ku baaraa, wax ku qoraa. Arrinataasi runtii marar bey i curyaamisaa!" Markaan keni aammusnaa, ayaan waxaan ku iri: "Eeg Yaasiin, arrin guud baa jirta, oo koronto yari ah. Dadka badankiisuna awood dhaqaale uma laha inuu meel dheer ka soo jiito laanta xoogga dabka. Bal marka, waxaan la hadlayaa maamulka Xoogga Dabka si aan u fiirinno wixii suurogeli kara!". Markuu Yaasin xafiiska ka baxay, ayaan la xiriiray maareeyaha guud ee xoogga dabka (Ismaaciil) oon ka codsaday wixii arrintaas laga qaban karo. Ismaaciil wuxuu yiri "Dottore, mashkalo ma jirto, kharajka uun baad bixineysaan", "oo immisuu noqoan karaa?" baan weydiiyey. Ismaaciil intuu yare qoslay, ayuu yiri "Xafiiskaaga ku qaali ma aha, weliba in aan kharajka wax idinka dhimo ayaan jeclahay, maadaama aad ila socdsiisey danta aad ka leedahay. Berri ayaan hubinayaa intuu kharajku noqon karo."

Berridii baa Ismaciil ii yeeray, oo igu yiri. "Kharajku saa uma badna,. aan dhahno waa 1,500 sh, waana 10 ilaa 12 paalo"!Warba kama celin, ee waxaan ku iri "Fadlan ku dhaqaaq, xafiiskayaga maamulkana la soo xiriir si aad deg-deg xisaabaadkaas meel isula dhigtaan". Qaddar 10 casho ka dib, nal baa ku jirey guriga Yaasiin! Maalmihii ku xigey mid ka mid ah ayaa Yaasiin i soo garey, isagoo weji furan, wuxuuna yiri:" ma ogtahay Dottor Maxamadow in xaafadda oo dhan lagaaga ducaynayo?", "sabab?", "deed paalashii korontada (annagu tiirar baan dhihi lahayne!) ayaa reer waliba layn ka soo jiitey , oo hadda xafadda oo dhami waa iftiimeysaa!!" " Mahaddaas adiga iyo Qaamuska ayaa iska leh, ee ma dhammeysey?" Baan warsadey. "ehe! Waa inoo berri, haddi Alle yiraahdo!" ayuu yiri. Cashadii ku xigtey goor ay dhuhurkii ku dhowdahay, ayaa albaabka xafiiska la garaacay. "Hoddeyn" baan iri! Yasiin baa soo galay, isaga oo Buug dhumuc weyn wata. Inta i soo hordhigay, buu i yiri: Waa na kan, aniga iyo Qaamuuskii!". "Allaa mahadleh, baan iri", suu-ye "ninkii rì warsigeed kugu dhiba, wadiddeedaa lugu dhibaa! Qaamuskii hadda aduu marti kuu yahay!"

Waxaan yare milicsaday "waxa" koleyguu keenay ku jira. Markaan arkay xaashiyihii u hoorreeyey ee qaamuus af-soomaali ah oo ebed la qoray, farxad baan is-la hayn waayey. Waxaan ku dhowaadey in aan yaasiin dhabannad ka dhunkado, dhaqan ahaanse ma fiicneyn, mana suurogeleyn. Salax Cali (Saalax Liif, Alle naxariistiisa ha ka waraabiyee!), oo xoghaynta madax ka ahaa, ayaan u yeeray, oo waxaan ku iri: shah shub, qado meel ka soo diyaari, fadlan u yeer Guddoomiyaha Akadeemiyada oo casun". Yaasiin baa gacanta taagey, "war heedhe Maxamadow, fadlan bal horta akhri oo ka bogo, deedna wixii ciid iyo soo dhoweyn ah aan sameyno!" Yaasiin waa i xujeeyey, qasab beyna noqotay in aan ra’yigiisa tix-geliyo. Marka waxaan ku iri" waa hagaag, laakiin su’aal baan qabaa". Suu ye, " haye, bal soo daa". "Markii afka la qoray, kitaabka ugu horreyey oo lugu turjumey, sanad ka hor, ma taqaan?" suu-ye "maya!" Saanne " waa Injiilka, Nayrobi buuna ka soo baxay. Marka, maadaama soomaalidu ay tahay Ummad muslin ah, waxaan filayey inuu Qur’aanku noqdo kitaabka ugu horreeya ee loogu tarjumo afka soomaaliga.Ma se noqon, ayaan-darro. Adigu ma isku dayday inaad Quraanka turjuntid?". Yaasiin, inta xoogaa qoslay ayuu yiri, "waa dhexdaas ah ayan isku deyey in aan Juska Camma turjumo. Markii aan faraha ka la baxay, baan is.iri Guddoomiyaha Akedemiyadu ha ku la waadgto nooca iyo tayada turjumada. Dhowr goor makaan ku hungoobey la kulanka guddoomiyaha, ayaan iska qancay. Waxaan is-iri mindhaa ninna ka ma dan lehe ee adaa meel cidla ah jibaaxaya!" Waxaan ka codsaday "Yasiin fadlan , anaa jecel in aan ku la wadaago ee i soo gaarsii Jus-kaas"

Sabaanka wareeray, cajaladaha rogmadey, qask’iyo afduubka dhacay awgood, Yasiin wagaas baa iigu dambeysey mar aan arrimahaas ka wada hadllo. Waxaan-se weligey ku faraxsanahay Qammuska Yaasiin keligi ebyey, waxaana habboon in soomaali oo dhami abaal jogto ah uga hayso, waxaanan rajeynayaan inuu weli kaalintiisii uga jiro barashada saxa ah ee afkeenna.

Maxamed Aden Sheikh - Guddoomiyaha "Associazione Soomaaliya"

Loading
Dona il tuo 5x1000

Who support us

News

Newsletter

Bookmark and Share